ISLOW oo farriin culus u direy madaxweyne Xasan, baraarujiyeyna reer Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaaciyay in la gaaray xilligii dadka gobolka Banaadir ay aayahppda ka tashan lahaayeen, isagoo farriin culusna u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Islow ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu usoo jeesto sidii gobolka Banaadir u yeelan lahaa gole deegaan iyo maamul la mida maamullada kale ee dalka ka jira.

“Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda dastuuriga ah uga tanaasuleen dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Islow oo sidoo kale tilmaamay in reer Muqdisho ay yihiin canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda federaalka dhaqaalaha ka hesho.

Hoos ka aqriso qoraalka Islow

TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA IYO DADWEYNAHA GOBOLKA BANAADIR

Waxaa la gaaray xilligii ay dadka Gobolka Banaadir aayahooda ka tashan lahaayeen oo ay heli lahaayeen Madax iyo Maamul iyaga metala oo ay soo doorteen.

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud waxaan ugu baaqayaa inuu u soo jeesto sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Gole Degaan iyo Maamul la mida maamullada kale.

Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda Dastuuriga ah uga tanaasuleen Dowladnimada Soomaaliya. Waa xaruntii Dowladda, waana canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda Federaalka dhaqaalaha ka hesho.

Sidoo kale waxaan Xildhibannaada, Odayaasha, Mas’uuliyiinta iyo Qeybaha Bulshada ugu yeerayaa inay bilaabaan wadatashiyo ku saabsan sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Maamul Goboleed ay leeyihiin.

Mahadsanidiin