Daawo: Xamza oo shaaciyay in Axmed Madoobe la’aantii uu goluhu gaarayo go’aanno

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay qabtay shir jaraa’id oo deg deg ah ayaa ka warbixiyay shirka golaha wadatashiga qaran oo uu shaaciyay in weli uu socdo, xilli madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dib ugu laabta Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in madaxda shirka golaha wadatashiga qaran ka qeyb-gashay ay ku jiraan la-tashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar, ayna soo saari doonaan go’aanno iyo war-murtiyeed rasmi ah.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee furmay 2-dii bishaan October weli wuu socdaa. Madaxda shirka ka qeyb gashay waxay ku jiraan latashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar, marka latashiyadaas dhammaadaanna waxa la soo saari doonaa go’aanno iyo war-murtiyeed rasmi ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirka golaha wadatashiga uu guul kusoo idlaan doono, xilli uu ka maqan yahay Axmed Madoobe, uuna horey uga maqnaa Saciid Deni, taas oo muujineysa sida Xasan u go’aansaday in uusan cidna u joojin, taas oo horseedi karta qalaalase siyaasadeed.

“Waxaa naga go’an midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo in aan ka fogaano waxkasta oo keeni kara kala qeybinta dadka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an in dalka horey loo wado oo dib loo celin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horu socodka, kuna taageeraan dowladda Soomaaliya in aan dib loo noqon oo laga shaqeeyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarista kooxda Al-Shabaab.

“Maanta meesha mareyno waa meel wanaagsan, waxaana naga go’an in aan hore u socono oo dalka horumarino. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku taageeraan dowladda Soomaaliyeed dagaalka Khawaarijta si aan dalkeenna ugu noolaano karaamo iyo xoriyad.”