Wasiirka gaashaandhigga oo soo fara-geliyay arrinta Boqorada DANAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay arrinta Marayn oo caan ku ah magaca Boqorada Danab, isla-markaana ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo saacadihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada.

Boqorada Danab ayaa qoraal kooban oo cabasho ah soo dhigtay barteeda Facebook-ga, kaas oo ay ku sheegtay in aanay dooneyn inay hadasho, laakiin ay dadku fahmi karaan.

“Inaan wax badan ka hadlo muhiim ma’ahan, balse qof walbo wuu i fahmi karaa” ayay tiri Maryan oo loo garan og yahay Boqorada Danab.

Sida ay ogaatay Caasimada online, cabashada Boqorada Danab oo muddo 10 sano ku jirta ciidanka ayaa la xiriirta dalacsiin la’aan, iyada oo muddadaas aanay helin darajo.

Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo soo qaatay cabashada gabadhan ayaa sheegay in lagu sameeyay cadaalad darro aad u wayn, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay muujineyso heerka uu marayo dalkeenna.

“Heerka cadaalad darro ee uu dalka Marayo waa iska Sidaan!! Dhowr jeer ayaan golaha shacabka hortiisa ka sheegay, gabadhaan oo ka tirsan ciidamada Danab muddo ayey sugeeysay inay hesho cadaalad” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Jilley.

Intaas kadib waxaa arrintan soo fara-geliyay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal dheer soo saaray, wuxuuna u sheegay in Maryan (Boqorada Danab) ay kamid ahayd saraakiil xigeenadii uu shalay tababarka madaxweynaha ugu soo xiray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna tilmaamay in gabadhan ay kamid tahay gabdhaha firfircoon ee ku jira ciidamada xoogga dalka.

“Beeni raad ma leh, Maryan waxay ka mid ahayd Saraakiil xigeenadii maanta ka qalin jebiyey Dugsiga tababarka Xassan Tuure ee Balidoogle, waxay ka mid tahay gabdhaha fara kutiriska ah ee geesiyaasha ah ee CXDS ka tirsan, waxayna tiir iyo astaan u tahay awooda Gabdhaha Soomaaliyee ee ay ku leeyihiin CQS, waxayna qarankeeda u shaqeyneysey mudo 10 sano ka badan” ayuu yiri wasiirka.

Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in Boqorada Danab ay heli doonto abaal marin iyo dalacsiin, maadaama ay weli soconto dalacsiinta ciidamada qalabka sida.

“Waxay joogtaa wakhtigii halgankeedi mirihiisa guran lahayd, waxayna heli doontaa abaal malinta ay mudantahay, si la mid ah Gabdhaheena Geesiyaasha ah. Waxaan weli dhamaan oo socda dalacsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo aan si horey loo arag Madaxweynaha qaranka u dalacsiiyey uguna Cadaalad faley taariikha intii dalacaad ee dalka soo martey” ayuu mar kale yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maryan maanta ayaa Madaxweynaha JFS tababarka u soo xirey, abaal marinada kale ay mudantahayna si is dada joog ah ayey u heli doontaa, dhamaan Geesiyaasha Qarankana waa sidaas oo kale.”