Maxaan ka ognahay mashruuca ay DF ku dhowaaqday ee ku baxeyso $55 milyan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Bangiga Adduunka ayaa Talaadaddii daah-furtay mashruuca horumarinta kalluumeysiga waara ee Badmaal.

Mashruucan oo ah dadaal ballaaran oo lagu hagaajinayo bulshada xeebaha iyo kor u qaadista waaxda kalluumeysiga, ayaa waxaa ku baxaysa dhaqaale dhan 55 milyan oo dollar.

Warbixintan waxa aynu isku dul taagi doono ujeeddooyinka mashruucan oo muhiimad gaar ah u leh Soomaalida, kuwaas oo kala ah; 1- in awood loo siiyo bulshooyinka deegaanka, 2- in la dhiirrigeliyo dhaqamada kalluumeysiga waara iyo taageeridda adkaysiga cimilada ee aagagga xeebaha.

Mashruucan ayaa waxaa ansixiyay Bangiga Adduunka bishii June 2024, wuxuuna ka kooban yahay saddex qaybood oo waaweyn oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha badda (Blue Economy).

Qeybta 1-aad: waxay ujeedadeedu tahay in la hagaajiyo kaabayaasha kalluumeysiga yaryar, taas oo faa’iido u yeelan doonta ilaa 40,000 kalluumeysato iyo shaqaale.

Waxay hiigsanaysaa in kor loogu qaaddo hababka kalluumeysiga 50% iyo kordhinta qiimaha lagu daro hababka farsamaynta iyo suuqgeynta 30%, taas oo keeni doonta tayada wanaagsan iyo helitaanka suuqyada kalluunka Soomaaliyeed.

Qeybta 2-aad: waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo maamulka kalluumeysiga badaha iyadoo loo marayo sharciga kalluumeysiga ee 2023.

Sidoo kale waxay ka kooban tahay horumarinta nidaamka kormeerka, xakamaynta iyo ilaalinta (MCS) si loola dagaallamo kalluumeysiga sharci-darrada ah, ee aan la diiwaangelin iyo kan aan la xakamayn (IUU), kaas oo la qiyaasay inuu ka kooban yahay 30% kalluumeysiga biyaha Soomaaliya.

Intaa waxaa dheer, mashruucani wuxuu taageeri doonaa qiimaynta tirada kalluunka, kaas oo la qiyaasayo inuu daboolo 70% khayraadka badda, iyo daraasado lagu horumarinayo dhaqaalaha badda 20% marka la gaaro 2030.

Qeybta 3-aad: waxay diiradda saaraysaa maaraynta mashruuca, iyadoo la hubinayo u hoggaansanaanta heerarka deegaanka iyo bulshada ee ay dejisay Bangiga Adduunka.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda ayaa mas’uul ka noqon doonta fulinta, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro 80% u hoggaansanaanta heerarka maaliyadeed iyo 90% heerka raalli ahaanshaha ka-faa’iideystayaasha.

Mashruuca horumarinta kalluumeysiga waara ee Badmaal waxaa sidoo kale loogu tala-galay in lagu xoojiyo adkaysiga isbeddelka cimilada, gaar ahaan bulshada xeebaha oo si aan sinnayn u saameeyaan kuleylka adduunka, kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo dhibaatooyinka dhaqaale.

Isku soo wada duubo, mashruucan ayaa waxay ujeedadiisu tahay inuu hagaajiyo nolosha illaa 1.5 milyan oo qof oo ku tiirsan kalluumeysiga.