Sababta loo diidan yahay doorasho qof iyo cod ah?

Mid kasta oo ka mid ah madaxdii isu sharraxday xilka hogaaminta dalka, waxaa uu baaqiisa ugu weyn ahaa seddex qoodob: Dhameystirka Distuurka qabyada ah, la dagaallanka Khawaarrinta iyo qabashada doorasho qof iyo cod,  waxaana mid kasta laga sugayey inuu gacan ka gaysto sidii seddexdaas qodob dadka Soomaaliyeed mar uun loogu qaban lahaa loogana gudbin buundasaas nagu adkaatay. 

Seddexdaas qodob waxa ay u baahan yihiin geesinimo iyo ku dhac ayuu lahaa mid walaba oo madaxdaas ka mid ah, waxaanu ballan adag ka qaadayey umadda iyo rabbi hortiis inuu fulinayo haddii isaga la doorto, iyadoo halkaas laga fahamyey inay gacan waddaninimmo ka geysanayaan tartamayaasha haddii mid kale la doorto kuna kaalmeynayaan kan la doortaa.  

Waxaa nasiib wanaag umadda u ahaa waxaa la doortay mid ka mid ah kuwa ballankaas noo qaadayey, laguna dhaariyey inuu ballantiisii run ka sheego oo ka shacab ahaan uu noo fuliyo wixii Allah iyo shacbiga hortooda uu ka ballanqaaday. 

Xilligii doorashada qof kastaa oo Soomaali ah waxaa uu is lahaa maanta ayaa loogu fiican yahay, oo rajo fiican ayaa gashay oo seddexdaan caqabadood waddada laga leexinayaa, maadaama mid walba oo tartamayaa uu ballan qaaday qodobadaan, waayo waxaanu nahay ummad muslim ah ballankuna uu cahdi yahay. Waxaa filashadu ahayd in cid waliba ay ka go’an tahay in dalka caqabadaan laga wada gudbiyo.

Haddaba maxaa maanta Isbadalay? Yaa diidan maanta in qodobadaas la fuliyo, sababtusa waa maxay? 

Marka hore waa in umadda Somaliyeed ay ogaataa ugana abaal haysaa xildhibaanadda baarlamanka 11-aad inay yihiin kuwa si buuxda u taageersan qodobadaas dhameystirkooda, taasi oo siineysa matalaad aan muran ku jirin oo la mid ah xildhibaanda caalamka.  

Laakiin, in lagu guuleysto fulinta seddexdaan qodob waxaa aad u diidanaa, welina diidan cadowga umadda Soomaaliyeed oo isugu jira shisheeye iyo Soomaali ay lugaha ku wataan oo raba in dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu hayo halkaan ,waayo ma dooran karno cidda na hogaamineysa oo codkeenna kuma ciil bixi karno.  

Dhinaca kale, waxaa naxdin noqotay in raggii shalay lahaa haddii aniga la i doorto waxaa hirgalinayaa seddexdaan qodob oo maanta inta Xamar ama carro shisheeye ku shira oo ku leh “haddii aan aniga ahayn cid kasta oo kale oo fulineysaa waa ka xaaran”. 

La yaab!!! Alla u adeegista cadowga xumaa waliba markaad u adeegto adigoon is ogeyn. Ciddii hal maalin dib u dhigtaa in seddexdaan qodob la gaaro waa cadowga umadda Soomaaliyeed ee maanta iyo mustaqbalkaba, taariikh baana qormeysa maanta. 

Shacbiga maxaa la gudboon? 

Dadka noocan ah waa in la iska celiyaa inta aysan naga fashilinin inay suurtagal noqdaan Dhameystirka Distuurka, La-dagaallanka Khawaarijta iyo Doorasho aan annnagu hogaamiyaheenna soo dooranno.

Dhinaca kale, waxay xildhibaanada baarlamanka garteen in tartamayaasha uu waqtigaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu dhow yahay qofka muddo xileedkan ku fulin kara hawshaas, isaga ayeyna u igmadeen, waana inay shacbiga iyo madaxdii tartameysay si adag u taageeraan meelna uga soo wada jeestaan kuwa raba inay dib noo celiyaan naguna hayaan 4.5. 

Guusha ma dheera markasta oo ay adkaataana waa marka loo sii dhawaanayo, waxayna u baahan tahay geesinimmo dhinaca hogaanka ah iyo taageero dhinaca shacbiga ah. 

Madaxdii hore ee diidmada cadowga ku taageeraya ogaal iyo ogaal la’anba waa inay si fiican u fekeraan. Ma shalay markii ballanqaadka ay rabbi ka horsameynayeen ayey khaldanaayeen misa maanta oo ay sheegayaan in ballantas ay khalad ahayd, maadaama aan aniga ku guuleysan kursiga oo umadda aysan igu aminin inaan fulin karo seddexdaas qodob. 

Fadlan garaadka ha shaqeeyo yaan la isgu kaalmeyn inuu dalkaan halkaan ku sii negaado, iyo Itoobiya oo ku farxi doonta inay sedexdaan qodob Soomaalida aan laga horwareejin ee 4.5 lagu hayo, si aysan dalkooda u dhisan, shidaalka la soo bixin, difaacadoodana aysan gacanta ku qabsan. 

Ma jirto doorasho 100% sax ah adduunyada, oo Mareykanka oo dunida ugu horumarsan waa kan la isku dilay. Marka wax ha noo bilowdeen ee aynu khasabno dowladda joogtaa inay na gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, distuur dhameystiran ugu yaraan iyo Khawaarijta oo ay naga xoreyso annnagana aan hiil u noqonno.  

W/Q: Cabdiraxmaan Gacal 
Muqdisho, Soomaaliya 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.