Axmed Madoobe oo isugu yeeray golihiisa wasiirrada, lana wadaagay go’aankiisa

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland oo looga hadlay xaaladda dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa golihiisa wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan shirkii uu isaga soo tegay ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbixintiisa golaha wasiirrada ku faahfaahiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo hormarinta dalxiiska Jubaland.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey mowqifkiisa doorashada, isagoo golihiisa la wadaagay waqtiga rasmiga ah ee Jubaland ay geleyso doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Inkastoo aan la baahin xogtaan oo golihiisa kaliya uu la wadaagay madaxweynaha Jubaland, hadana ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe cadeeyey in Jubaland doorasho geleyso bisha 11-aad ee sanadkaan.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu golihiisa warbixin ka siiyey qodobada la isku mari waayey ee shirka golaha wadatashiga qaranka, kuwaas oo markii danbe sababay in Axmed Madoobe uu Muqdisho isaga tago, isagoo ka xun sida ay wax u socdaan.

Axmed Madoobe ayaa diiday in madaxda dowlad goboleedyada loo sameeyo muddo kororsi hal sano ah, kadibna 2025 dhamaadkeeda ay galaan doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku taliyey in doorasho dadban la geliyo dowlad goboleedyada, lagana baaqsafo muddo kororsi, kadibna loo diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah oo ah hiigsiga Soomaaliya.