Qaraxyo laga digay in 48-ka saac ee socda ay ku soo wajahan yihiin magalaada…

Beledweyne (Caasimada Online) – Laamaha amniga Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka digay qaraxyo ka dhici kara magaalada oo ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab 48-ka saac oo soo socda.

Waxaa heegan xooggan la geliyey ciidamada amniga, ayada oo sidoo kale la adkeeyey baaritaanada amni, si looga hortagi qaraxyadan oo xogtooda la helay.

Meelaha laga digay waxaa mid ah; xaruumaha maamulka iyo goobaha bulshada isugu timaado, sida laga soo xigtay laamaha amniga Beledweyne.

Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo ka fulisay magaalada, ayada oo Beledweyne ay tahay magaalada labaad ee maleeshiyadan ay ugu beegsi badan tahay kadib caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qaraxii ugu dambeeyey ayaa dhacay dhammaadkii June, waxaana lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid noqday qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo Gabadhooda. Aabe Xasan Cabdi Aadan iyo xaaskiisii Muslimo Maxamed waxaa la geeriyootay gabadhooda oo 7 sano jirtay. Markii uu qaraxu haleelay waxay ka yimaadeen beer ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada reerka.

Cabsida laga qabo qaraxyada iyo xaaladda amni ee Beledweyne ka jirta ayaa ku soo aadeysa ayada oo khilaaf iyo is-qab-qabsi maamul oo xooggan uu ka jiro magaalada, oo ay isku hayaan maamulka HirShabeelle iyo mid la baxay Hiiraan State.

Waxaa sidoo kale khilaaf uu ka sii dhex qarxay xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhaxdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada.