Mareykanka iyo Israel oo go’aan ka gaaray sida looga aarsan doono IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan Iiraan uu noqon doono “mid halis ah, oo sidii loogu talogalay loo dhaca islamarkana la yaab leh”.

Yoav Gallant ayaa intaa ku daray in Tehran aysan fahmi doonin sida ay wax u dhaceen – laakiin ay arki doonaan uun natiijada.

Erayadiisa kulul ayaa daba socday wada hadal dhanka teleefoonka oo si aad ah loo wada sugayay oo dhex maray madaxweyne Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa yeeshay wadahadlakan oo la rumeysan yahay inuu ahaa wadahadalkoodii ugu horreeyay muddo toddobaadyo.

Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Biden ayaa loo rumeysan yahay inay ka wadahadleen jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarkii gantaallada ee Iiraan toddobaadkii hore iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Bariga Dhexe.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay sidoo kale ku soo biirtay wadahadalka dhanka telefoonka ahaa muddo 30-daqiiqo ah.

Waxaa loo malaynayaa in wadahadalka uu daarnaa si Biden uu ugu qanciyo Israa’iil inay xaddiddo jawaabta ay ka bixinayso weerarka Iran. Iyadoo ka hadlayay shir jaraa’id, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad – Kariin Joon-Pia – ayaa sheegtay in wadahadalku uu ahaa mid miro dhal ah:

Wax yar ka dib markii la soo gabagabeeyay kulankaas, wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in weerarkooda aargoosiga ah ee Iran uu noqon doono “mid adag oo aan khasaarihiisa la saadaalin karin.

“Ma fahmi doonaan waxa dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, keliya waxay arki doonaan natiijada,” ayuu yiri Gallant.

Dhinaca kale waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya Xisbullah iyo Israa’iil, iyadoo afar qof lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay tuulo Lubnaan ku taal meel u dhow magaalada koonfureed ee Sidon.

Magaalada yar ee Israa’iil ee Kiryat Shmona, lamaane ayaa lagu dilay gantaallo ay Xisbullah ka soo tuurtay Lubnaan.

Waxaana la sheegayaa inay yihiin shacabkii ugu horreeyay ee reer Israa’iil ah oo ku dhinta tan iyo markii uu dagaalka xudduudaha uu sii xoogeystay 12 maalmood ka hor.

Gantaallo ayaa sidoo kale lagu garaacay magaalada dekedda leh ee Haifa ee Israa’iil, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof.

Xisbullah ayaa labadii maalmood ee u danbeysay waxa ay bartilmaameed toos ah ka dhigteen magaalada dekedda leh ee Haifa oo ah magaalada seddexaad ee ugu wayn Israa’iil.

Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay fuliyeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay ku ku garaaceen magaalada Haifa.

Magaaladaan ayaa leh dekedda ugu weyn Israa’iil waxaana mararka qaarkood ku soo xirta ciidamada badda ee Mareykanka.

Haifa ayaa sidoo kale leh warshado kiimikooyinka iyo goobo lagu sifeeyo shidaalka, waana magaalo uhiim u ah Israa’iil.

Gantaalada lagu weeraro magaaladaan ayaa sababi kara dhibaatooyin ballaaran oo soo gaara xarumo kala duwan oo muhiim u ah Israa’iil.

Dhanka kale haddii la weeraro xarumaha sifeeya shidaalka iyo kuwa kiimikooyinka waxaa ka dhalan kara khatar ku timaadda dadka iyo deggen magaalada Haifa.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay fulisay in ka badan 1,100 weerar oo dhanka cirka ah tan iyo markii duullaankeeda dhulka ah uu ka billowday koonfurta Lubnaan 30-kii Sebtembar.

Duqeynta Israel ee Lubnaan waxaa ku barakacay boqolaal kun guud ahaan dalka. Dowladda Lubnaan waxay sheegtay in ku dhawaad 1.2 milyan ay gudaha dalka barakacayaal ku yihiin iyadoo dad ka badan 400,000 oo intooda badan ay Suuriyaan yihiin ay u qaxeen dalka dariska la ah ee Suuriya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in rubuc ka mid ah dadka Lubnaan ay Israel ku amartay in ay ka baxaan guryahooda iyadoo xaalada bani’aadannimo ay ka sii dareyso sida ay sheegeen hay’adaha OCHA iyo tan Qaramada Midoobay ee arrimaah bani’aadannimada.

Tuulooyin ka badan boqol oo ku yaal koonfurta Lubnaan ayaa dadka loo sheegay in ay ka baxaan.

Isha: BBC