Maxaa farqi ah oo u dhaxeeya isbaheysiga cusub ee Asmara iyo kii Farmaajo ee Geeska?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kan Eritriya Isaias Afwerki iyo Masar Cabdifitaax Alsisi, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Asmara waxay shalay ku gaareen heshiis iskaashi oo saddex geesood ah.

Madaxda ayaa ku heshiisay inay sare u qaadaan iskaashiga ammaanka, xasilloonida gobolka iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen.

Labada dal ee Masar iyo Eritrea ayaa mar kale hoosta ka xarriiqay ilaalinta madaxbannaanida dhulleeed iyo qaranimada Soomaaliya. Arrintan ayaa loo qaadan karaa inay tilmaan toos ah u tahay damaca Itoobiya ee ah inay hesho deked badeed, balse dalna si gaar ah looma xusin.

Madaxweyneyaasha waxaa wehliyey wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal kuwaas oo iyaguna yeeshay kulamo ay kaga hadleen iskaashiga Ereteriya iyo Masar iyo adkaynta wadashaqayn joogto ah oo lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Muxuu diirradda saarayaa iskaashigan cusub?

Bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee Eritrea, saddexda hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka iyo hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo “ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka”.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay “in laga hortago faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka iyadoo marmarsiinyo ama qiil loo samaynayo; isku xirka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasiloonida gobolka iyo abuurista jawi ku habboon horumar wadajir ah oo waara”.

Khilaaf diblumaasiyadeed oo dhawaan soo shaac baxay ayaa Soomaaliya ku riixay in ay xiriir dhow la yeelato Masar iyo Eritrea oo labaduba uu khilaaf soo jireen ah kala dhaxeeyo Itoobiya.

Waxaa jirtay cabsi laga qabo in xiisadda sii kordhaysa ay u gudubto nooc ka mid ah colaadaha.

“Tani waa gees ka soo horjeeda [caasimadda Itoobiya] Addis Ababa,” Hassan Khannenje, oo ah maamulaha Machadka Horn International Institute for Strategic Studies, ayaa u sheegay barnaamijka Focus on Africa ee BBC.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay isku day lagu doonayo in nacaybka la isugu keeno si loo kordhiyo cadaadiska ka dhanka ah Addis Ababa.”

Sida uu muujiyey Hassan, waxaa la qaba wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo sheegay in heshiiska hadda uu u muuqdo mid laysku bahayssanyo in culays la saaro Itoobiya madaama sida uu xusay ay saddexdan dalba xiisaddi ka dhex tagaan tahay Addis Ababa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa xusay inaysan sidaasi doonayn dowladda Soomaaliya balse kulanka dhinacyadu uu ahaa mid ku saabsan wada shaqeyn dhex marta saddexda dal.

“Ma naga go’na inaan abuurno wax ka dhan ah Addis Ababa,” ayuu u sheegay BBC Focus on Africa.

Iskaashigii hore ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanadkii 2018 gaaray heshiisyo is-afgarad ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshooyinka.

Axmed Ciise Cawad, wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya oo xilliyadii ay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ay isbahaysiga samaysanayeen qaar ka mid ah waqtiyadaas hoggaaminayey amuuraha dibadda ee dalka ayaa BBC-da u sheegay in billowgii ujeeddadu ahay in dalalku isku furaan xiriirkooda dhaqaale, bulsho lana gaarsiiyo dhammaan waddamada ku jira urur-goboleedka IGAD.

Isagoo ka hadlayey faa’iidooyinka isbahaysigaa hore ee Farmaajo, Abiy iyo Afawerki uu ka helay dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iidday in Itoobiya ay ku dhawaaqdo in muwaadiniinta Soomaalida ee dalkooda u safraya ay ku tagi karaan Itoobiya dal ku gal la’aan.

Wuxuu intaa ku daray in sidaas oo kale Soomaaliya ay ka faa’iidday in Eritrea ay ciidamo u tababarto dalka Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho ku tagay sanadkii 2018-kii magaalada Muqdisho halkaas oo madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wada gaareen heshiisyo is fahan oo muhiim ah.

Qodobka toddobaad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo isla sanadkaas ku soo dhaweeyey magaalada Bahar Daar ee dalka Itoobiya Madaxweyynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa sheegay inay xiriirkoodu yahay mid xoogaystay.

Abiy oo mar dambe la hadlayey arday ka qalin jabinaysay jaamacad ku taaalla Bahar Daar ayaa shegay inuu rajanayo “mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne”.

“Waxaan rajeynaya saddexdan madaxweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh, oo aanan saddex madaxweyne lahayn,” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaase xusay in iyadoo madaxdu ay heerkaa taagnaayeen haddana ay jirtay u jeedooyin qaarkooda qarsoonaa xilligaas oo markii danbe soo baxay.

“Afaweki, wuxuu doonayey inuu go’doonka ka baxo, Abiy-na wuxuu doonayey inuu Eritrea ka gacan siiso dagaal uu ku qaadi rabay Tigraay marka isbahaysigu ma lahayn u jeedo cad oo fog,” ayuu yiri Cawad.

Wuxuu sheegay in kan hadda uu isaga ula muuqato inuusan lahayn u jeeddooyin fog oo mustaqbalka ah.

Isha: BBC