Aqriso: Bayaan xasaasi ah oo kasoo baxay shirkii madaxda Somalia, Masar iyo Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo shir saddex geesood ah uga socday magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo saaray bayaan wadajir ah.

Shirkan oo uu marti-geliyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi, waxaana diirada lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u fallan-qeeyey xaaladaha jira.

Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale looga hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka.

Madaxda ayaa ugu dambeyntiina isla gartay in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la gaartay Somaliland, kaasi oo dhabaha u xaaraya damaca guracan ee Itoobiya ku dooneyso bad.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka;