DF oo war cusub ka soo saartay arrimaha xajka ee sanadkaan iyo qorshe cusub oo bilowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay arrimaha Xajka, waxaana la go’aamiyey goorta la bilaabayo iyo goorta lasoo gabagabeynayo qabashada Baasaboorka.

Maamulka wasaaradda diinta iyo guddiga adeegga xajka ayaa maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah loo bilaabay qabashada baasaboorka, iyadoo lasoo gabagabeynayo bisha horaanta Janaayo.

Sidoo kale waxaa la shaaciyey in xaaji kasta hadda laga rabo lacag dhan $2,000 labo kun oo doollar oo hormaris ah.

Sidoo kale guddiga iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa shaaciyey in dib laga soo sheegi doono qiimaha rasmiga ah ee Xaajiga Soomaaliyeed uu ku soo xaji doono sanadkaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sanadba sanadka ka dambeeya ay yareyn doonto qiimaha lagu soo xajinayo.

Dowladda ayaa hadda ku howlan sidii loo yareyn lahaa qiimaha xajka ee sanadkaan, sidoo kale guddiga loo xilsaaray ka shaqeynta arrimaha Xajka ayaa ka howlgeli doona qabashada baasaboorka.

Guddoomiyaha guddiga adeegga xajka Cali Cibaar ayaa sheegay inay ku howlan yihiin in sanadkaan ay xujeyda Soomaaliyeed helaan adeeg ka wanaagsan kii sanadihii hore.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la bilaabay qabashada Baasaboorada Xujeyda Soomaaliyeed ee daneynaya Sanadkaan in ay soo gutaan waajibaadka Xajka.

Hoos ka daawo agaasimaha guud ee wasaaradda diinta