Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen saldhigga…

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka la fashiliyay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo ku yaalla deegaanka Raas-qabow ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa saldhigga iyo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, waxaana ka dhashay khasaare xoogan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay goobta, kadib markii ay jilibka u dhigteen ciidanka ku sugnaa saldhigga lagu dagaalamay oo la sheegay in ka feejignaayeen weerarka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in maydad iyo dhaawacyo ay meesha uga carareen Al-Shabaab, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa la filayaa inay faah-faahin ka bixiyaan khasaaraha rasmiga ah, ayna soo bandhigaan maydadka iyo dhaawacyada laga qabtay Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada halkaasi.

Shabeelaha Dhexe oo kamid ah gobollada lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab waxaa weli kasii socda guluf dagaal oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xooga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.