Aadan Madoobe oo kusoo laabtay dalka, xilli ay yaallaan mooshino iska soo horjeeda

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, xilli ay golaha yaallaan mooshino iska soo horjeeda oo ay wadaan xildhibaano leh ujeedooyin kala duwan.

Sheekh Aadan Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa si deg-deg ah usoo laabtay, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda wadankaasi oo uu ka mid yahay dhigiisa dalkaasi Saqr Ghobash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadanka gaar ahaan dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Aadan Madoobe waxaa hortaallo shaqo adag oo ay ugu horreyso xal ka gaarista arrinta mooshinada iska soo horjeeda oo sababay inuu baaqdo kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in kala aragti duwanaan ay soo kala dhex gashay xildhibaannada oo uu dhinac walba u ololeynaya qorshahiisa gaarka ah, uuna doonayo in la dhaqalgeliyo soo jeedintiisa.

Xildhibaannada qaar oo ka hadlay arrintan, gaar ahaan baajinta kulankooda maanta ayaa si weyn u dhaliilay guddoonka golaha, waxaana arrintan ay dhalisay kala qaybsanaan wayn.

Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana dhowr kulan la baajiyay xilligii ay taagnayd xiisaddii ka dhalatay xildhibaannadii taageeray Itoobiya, illaa mar dambe si hoose la xalliyay kadib dagaallo kala duwan oo uu sameeyay guddoonka sare ee baarlamaanka dalka.