Daawo: DF oo Muqdisho ka mamnuucday adeegsiga laba arrin iyo dad loo soo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo qabtay eedeysane Cabdullaahi Maxamed Daahir oo loo heysto ka ganacsiga agab sharci darro ah oo dalka laga mamnuucay.

“Eedeysanaha waxaa ku socota baarista Booliska, waxaana la horgey doonaa Maxakamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Cabdullaahi ayaa loo heystaa inuu Bacda halka mar la adeegsado ka ganacsanayey, taas oo dalka laga mamnuucay, Booliska Soomaaliya ayaa uga digay ganacsata iyo guud ahaan Soomaaliyeed ka ganacsiga Bacaha iyo isticmaalkeeda.

Afhayeenka ciidanka booliska oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa yiri “Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana awaamiir kale dul dhigeynaa amarkii lagu mamnuucay ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka, waana waajib in loo hogaansamo amarkaas.”

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiiqsatay in bacda aysan wax faa’iido ah u laheyn deegaanka, isla markaana shacabka la siiyey waqti ku filan, 1-dii bishaan wixii ka dambeeyana dalka laga mamnuucay in laga isticmaalo bacda.

“Waxaan ka xunahay in suuqyada qaar ay weli ka dhega adeygayaan amarkii wasaaradda deegaanka iyo booliska ee bacda lagu mamnuucay, ganacsatada ku andacootay waxaan bixineynaa inta noo taalla lagama yeeli doono, Axada berri wixii ka dambeeya bacda waa la gubayaa, ganacsadihii lagu helana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Dhinaca kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Muqdisho laga mamnuucay rasaasta dabaal-degga ah, isagoo sheegay in xalay la xiray dad gudaha Muqdisho ka riday rasaas dabaaldeg ah.

“Qof kasta oo rida rasaas dabaaldeg ah isagaa qaadi doona masuuliyadda qofkii dhibaato gaarto, booliskuna waa soo qaba doona, muwaadin dabaaldeg, laakiin rasaas nool in la rido waa mamnuuc,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Hoos ka daawo