Xog: Xamsa oo maanta ku sigtay in xilka laga qaado iyo abaabul mooshin oo caawa socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isasoo taraysa xog sheegeysa in la abaabulayo Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xildhibaanada qaar ay rabaan inay xilka ka xayuubiyaan.

Mooshinkaan ayaa socday muddooyinkii lasoo dhaafay si hoose ku socday, balse maanta ayuu fashilmay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo kala duwan oo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online xogtaan siiyey, waxaana helnay warbixin sheegeysa in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay diyaariyeen Mooshin ay doonayaan inay xil kaga qaadaan Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mooshinkaan waxaa la sheegay inay ogtahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin, taas oo qorsheyneysa inay ka qabato xildhibaanada soo diyaariyey, si cod loogu qaado.

Arrintaan ayaa lagu baraarugay maanta, waxaana la baajiyey kulankii golaha shacabka, maadaama uu maqnaa guddoomiye Aadan Madoobe, isla markaana uu qorshuhu ahaa in kulanka ay shir guddoomiso Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Qorshahaan wuxuu socday muddo dheer sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana kulamada golaha fursad lagu raadinayey xilli uu maqan yahay Aadan Madoobe oo shir guddoon ay tahay Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin, si loo socodsiiyo qorshahaan halista ku ah Xamsa iyo xukuumadiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku maqnaa dalka Imaaraadka ayaa xalay helay xogta xil ka xayuubinta Xamsa ee xildhibaanada qaar ay damacsan yihiin, wuxuuna amray in la baajiyo kulankii uu goluhu maanta yeelan lahaa.

Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa deg deg dalka ugu soo laabtay, isagoo maanta kasoo degay Muqdisho, waxaana sidaas maanta ku fashilmay qorshe xasaasi ah oo la doonayey in lagu dumiyo xukuumadda, iyadoo aan la ogaan, si lamid ah xukuumadii Xasan Cali Kheyre oo 7 daqiiqo lagu riday.

Caawa waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo ay wadaan xildhibaanada saxiixay mooshinka xil ka xayuubinta Xamsa, waxayna xildhibaanada wada mooshinkaan u badan yihiin hal dhinac sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kiiskaan ayaa salka ku haya khilaaf culus oo ka taagan wasaaradda Qorsheyta ee xukuumadda Xamsa, wasiirka wasaaradaas ayaa dhowaan xilka ka qaaday Guddoomiyha Hay’adda Istaatiitikada Qaranka, taasi oo sababtay in wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka ay diidaan xilka qaadistii uu sameeyey wasiirka qorsheynta Maxamuud Beenabeene.

Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Puntland oo guddoomiyaha xilka laga qaaday metela ayaa soo farogeliyey kiiskaan, waxayna muddo Ra’iisul Wasaaraha ku cadaadinayeen in khilaafka wasaaradda uu wax ka qabto, gaabis dhanka Xamse ah kadibna waxaa hadda miiska saaran Mooshinkiisa oo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.