Sarkaal ka tirsanaa NISA iyo ilaaladiisa oo hab yaab leh loogu dilay magaalada…

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA, sidoo kalena ahaa taliyihii amniga ee waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa xalay isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay gudaha magaaladaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay ay gurigiisa saq-dhexe ku weerareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kadibna ay dileen.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Anwar, waxaana lala dilay saddex kamid ahaa ilaaladiisa, falkan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay caro xoogan.

Shacabka ku dhaqan waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa maanta isugu soo baxay halkaasi, waxayna dhigeen dibadbax cabasho ah.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay dibad-baxa ayaa dilka wadareedkan ku eedeeyay ciidamada Gaashaan ee hay’adda NISA, waxayna fariin u direen dowladda dhexe.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in aan la aasi doonin marxuumiinta illaa gacanta lagu soo dhigayo dadkii dilay.

“Maydadkan illaa dadkii dilay gacanta looga soo dhigaayo mala duugaayo, talaajada ayay ku jirayaan” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka oo goobta ka hadlay.

Xaaladda Afgooye ayaa weli cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.