Sawirro: Xamza oo maanta dhagax dhigay qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsza Cabdi Barre oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda dhagax dhiga ka sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, islamarkaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska.

Ugu dambeyntiina wuxuu ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.

Tartankii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiiri-gelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh.