Daahir Jeesow oo weeraray Xasan Sheekh: Badbaado Qaran 2 ayaa u diyaarsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo wareysi gaar ah siinayay telefishinka Soomaali Cable.

Jeesow ayaa si adag uga hadlay arrinta doorashada, gaar ahaan qorshaha madaxweynaha ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xilligan Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, culeysyada jiro darteed, laakiin madaxweynaha uu rabo inuu iska sii joogo xafiiska.

“Caqliga shacabka Soomaaliyeed yaan lagu ciyaarin, doorasho hal qof iyo hal cod ah waddankan kama socoto, umana dhawo, madaxweynaha ha yiraahdo waa sii joogaa” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay diidan yihiin muddo kororsi ay sameystaan madaxweynaha iyo madax goboleedyada, arrintaasina ay ka hortagi doonaan, isaga oo ku goodiyay inay diyaar tahay Badbaado Qaran 2, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagama yeelayo inuu iska joogo xukunka, Badbaado Qaran 2 ayaa u diyaarsan,” ayuu mar kale yiri xildhibaan Jeesow.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu rabo inuu ku deydo madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea oo uu todobaadkan lasoo kulmay, kuwaas oo uu tilmaamay in muddo dheer ay ku fadhiyaan xukunka dalalkooda.

“Haddii uu wax kasoo aqristay madaxwenayaasha Masar iyo Eritrea yaa doortay dadkaasi oo role model ay u yihiin?” ayuu hadalkiisa sii raaciyay”