Muxuu yahay shirka uu maanta R/W Xamza ka furay Muqdisho? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.

Shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.

Shirkan ayaa wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa dhawaan sare u kac sameeyay, kadib markii dakhliga gudaha uu kordhay sida lagu sheegay warbixin ay dawladda Soomaaliya soo saartay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa 13-kii December ee sanadkii hore laga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh.