Lafta-gareen ‘oo si fudud isku baray’ dadkii ku jahwareersana siyaasaddiisa kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay u sheegayay saaxiibadiisa siyaasadda inuu rabo inuu aado doorasho dadban oo aan sii daahin.

Wuxuu qaatay laba sano oo muddo kororsi ah, wuxuuna muddo xileedkiisi rasmiga ahaa ku eeka bishii December 2022. Mararka qaar waxaa afkiisa laga wariyay inuu raadinayo cid la qaadata go’aanka doorasho dadban.

Haddii uu Axmed Madoobe u bareero go’aankaas aniguna waan ku raaci doona ayaa kamid aheyd kalmadaha ka tegay Lafta-gareen. Si lamid ah madaxda Galmudug iyo Jubbaland wuxuu sheegi jiray inuu rabo in uu dagaal siyaasadeed la galo Xasan Sheekh, balse labadii uu sheegi jirayba waa soo mareen Lafta-gareen muddo 30 cisho gudahood.

Mid waa dagaal siyaasadeedkii, midna waa go’aanka doorasho dadban.

Lafta-gareen isaga iyo Xasan Sheekh fooda ayey isdareen bartamaha bishii lasoo dhaafay ee September, wuxuuna helay dad badan oo siyaasiyiin iyo shacab ah oo ku taageersan arrintaas. Laakiin waa ku adkeysan waayey dagaalkiisa, wuxuuna dadkii uu dagaalka geliyay dhaafsaday farriinti loo soo dhibay Taliye Shub.

Markale 2-dii bishaan October waxaa Muqdisho iskugu tegay madaxda maamullada iyo kuwa dowladda federaalka ah. Axmed Madoobe ayaa la yimid go’aan ah muddo kororsi iyo sharci darro kale ma rabo waxaana qabanayaa doorasho.

Lafta-gareen oo la sugayay inuu arrintaas ku raaci doono Axmed Madoobe, ayaa dhinaca kale ka wareegay, waxaana isaga iyo Qoor-Qoor ay waqtigooda u badan geliyeen in Axmed Madoobe laga fujiyo go’aankiisa doorashada oo taas bedelkeeda la qaato hal sano oo cusub oo muddo kororsi ah.

Ninkii raadinayay inay Xasan Sheekh isqabtaan, ninkii raadinayay qaab uu tareenka uga boodo, ninkii raadinayay cid u bilowda rabitaanka doorasho dadban, ayaa hal mar 1000 degree wareegay, wuxuuna hadda Qoor-Qoor la wadaaga ololaha muddo kororsi doonka ah.

Axmed Qoor-Qoor isaga waa la fahmi karaa sababta uu u raadinayo muddo kororsi oo rag culus oo xoolo iyo xoogba aan kursiga laga qaadan karin ayaa tartan kula jira.

Laakiin Lafta-gareen oo isagu sheegan jiray inay fursadiisa soo laabashadu 100% tahay inuu sidan oo dhan isku beddelo ayaa dad badan ka yaabisay.

Si fudud hada waxaa jirta laba Lafta-gareen, mid dhiifoon markii uu banaanka joogo oo u muuqda nin horey u socon kara oo iswadi kara iyo mid la jooga Xasan Sheekh oo aan dookh siyaasadeed laheyn, kuna qasban wixii ay rabto Villa Somalia.

Inkasta oo siyaasiyiinta Soomaalidu badi ku suntan yihiin mowqif la’aan, hadana dhowr qof oo jili jirey inay mowqif leeyihiin ayaa hadda dib loo baranayaa.