Dowladda oo amar culus ku soo rogtay dekedaha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo.

Amarkaan waxaa horay u soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya, waxaana dalka laga joojiyey isticmaalka bacaha.

“Iyadoo la tiraacayo warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiirka wasaaradda

Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JFS, kuna taariikhaysaneyd 17/09/2024

Ujeedaduna ahayd wargelin ku saabsan joojin bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, Hay’adaha ay ku socoto warqadaan waxaa lagu wargelinayaa in aan Dalka lasoo gelin karin, lana dhoofin karin bacaha fudud ee halka mar ia isticmaalo laga bilaabo 1-da October 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda dekedaha ka soo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, isla markaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah.

Maalin ka hor, Afhayeenka ciidanka booliska oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la xiri doono ganacsadihii lagu arko isagoo ka ganacsanaya bacaha, waxaana xusid mudan in lasoo xiray xubno ka ganacsanayey Bacda.

“Waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonaa suuq kasta oo lagu iibinayo bac, ganacsigooda ayaa la xiri doonaa, waa la mamnuucay bacda, waxaana awaamiir kale dul dhigeynaa amarkii lagu mamnuucay ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka, waana waajib in loo hogaansamo amarkaas,” ayuu yiri afhayeenka booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka sii yaraanaya isticmaalka bacda, waxaana lagu bedeshay Seledo iyo Baco kale oo maro ama suuf ka sameysan, kuwaas oo dowladdu ay ogolaatay in la isticmaalo.

Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan.