Muxuu yahay heshiiska laga gaaray biyaha webiga Niil ee Masar iyo Sudan diideen?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Heshiis caalami ah oo ku saabsan maareynta biyaha webiga Niil ayaa dhaqan galay inkastoo si xooggan ay uga soo horjeedaan dalalka Masar iyo Suudaan.

Kadib in ka badan toban sano oo wadaxaajood ah, heshiiska Iskaashiga Gobolka Webiga Niil ayaa loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah si loo hubiyo in dalalkan kor iyo hoosba ay ka faa’iideysan karaan biyaha Niil.

Kheyraadkan ayaa marar badan noqday xudunta khilaaf gobolka, gaar ahaan ka dib markii Itoobiya dhistay biyo xireenka oo ay doonayso in ay ka dhaliso koronto..

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la hubiyo in dhammaan toban dal oo ku jira dooxada Niil ay haystaan qaab sharciyeed oo maamula isticmaalka webiga. Laakiin labo dal ma saxiixan. Masar ayaa muddo dheer ku adkeysanaysay inay raacdo heshiisyadii 1929 iyo 1959 ee xaqiijinayay inay iyada iyo Suudaan heli doonaan qiyaas cayiman oo biyo ah sanad walba.

Masar sidoo kale waxay awood u leedahay inay diiddo mashaariic kasta oo ku saabsan webiga Niil ee dalalka aan soo xusnay.

Itoobiya waxay dhistay biyo xireenkeeda ballaaran si ay koronto ugu sameysato. Khilaafkan wuxuu qayb ka yahay khilaaf siyaasadeed oo halis ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar oo dhinac ah, iyo Itoobiya oo iayaduna ku sii adkaysanaysa tallaabooyin dalalkaan ka caraysiiyay.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka?

Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xireenka iyadoo Masar ay ka baqayso in mashruucu uu Itoobiya u suurto-gelin doono inay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika.

Xarumaha korontada laga dhaliyo biyaha uma baahna biyo, balse sida degdegga ah ee ay Itoobiya u buuxineyso keydka biyo-xireenka ayaa saameyn doonaya hab u socoshada biyaha webiga.

Buuxinta keydka biyo-xireenka, oo lagu wado in qaadkiisu uu noqdo 74 bilyan kiyuubik mitir, waxaa yaraanaya saameynta heerka qulqulka webiga ay arrintaasi ku yeelanayso.

Itoobiya ayaa dooneysay in dhismaha biyo-xireenka ay ku soo afjarto lix sano gudahood sida ay sheegtay sanadkii 2020-kii.

Wasiirka Biyaha Itoobiya Seleshi Bekele ayaa bishii September ee sanadkii 2019-kii sheegay in dalkiisu uu qorsheynayo inuu dedejiyo arrinta ku saabsan biyo-xireenka.

Balse Masar ayaa soo jeedisay xilligaas in xilli dheer ay qaadato buuxinta biyo-xireenka – si aysan hoos ugu dhicin biyaha webiga, gaar ahaanna marka ay socoto wejiga hore ee buuxinta.

Wadahadallo u dhaxeeyay Masar, Suudaan iyo Itoobiya oo ku saabsanaa biyo-xireenka ayaa miro-dhali waayay in ka badan afar sano – Mareykanka ayaana soo fara geliyay oo isku dayay inuu dhexdhexaadiyo hase-yeeshee kuma guulaysan in xal laga gaaro

Kaddib wadahadllo dhacay 2020-kii, Mr Seleshi ayaa Masar ku eedeeyay inaysan dooneyn in heshiis la gaaro.

“Uma maleynayo markii ay Masaaridu halkan yimaadeen inay u yimaadeen in heshiis la gaaro,” Mr Seleshi ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

“Waxay haddana la yimaadeen qorshe cusub oo buuxinta biyo-xireenka ah. Waqtiga ay doonayaan inay qaadato buuxinta biyo-xireenka waa 12 ilaa 21 sano.

“Tani maaha mid la aqbali karo,” ayuu yiri.

Wasiirka Biyaha Masar Mohamed Abdel Aty, ayaa isagana sheegay in labada dhinac ay xoogaa is-afgarasho ah gaareen.

Khilaafka arrintaas ka dhashay oo weli taagan ayaa keenay in dhawaan ay Masar ka qayb ka noqoto iskaashi saddex geesood ah oo looga dhawaaqay magaalada Asmara ee caasimadda Ereteriya kaas oo u dhaxeeya madaxweynah Ereteriya Isaias Afwerki, Cabdul Fitaax- asiisi madaxweynaha iyo Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya.

Iskaashigaan ayaa ah mid ka dhan ah oo Itoobiya ay u aragto inuu khatar ku yahay, waxaana dadka falanqeeya arrimaha gobolka ay sheegayaan in xiisadda gobolka oo awalba maraysa meel adag ay sare u sii kici karto.

Isha: BBC