Israel oo duqaysay deegaan ay ku badan yihiin masiixiyiinta Lubnan + Khasaaraha

Beirut (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay hay’adda Laanqeerta Cas ee Lubnan, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen Isniinti guryo ku yaalla waqooyiga dalka Lubnan.

Duqeynta ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Cayto oo ah halka ugu badan ee ay ku nool yihiin bulshooyinka masiixiga Lubnaan ee dhinaca waqooyi.

Wariyaasha ayaa sheegaya in aaggaasi ay aad uga fog yihiin xarumaha kooxda Xisbullah. Xisbullah ayaa ku xooggan dhinacyada koofurta iyo bariga Lubnan.
Ma jirto wax faah-faahin ah oo weerarkaasi ku saabsan oo kasoo baxay Isra’il.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib, markii weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbulah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal waqooyiga Israa’iil ay ku dileen afar askari oo dhammaantood ahaa 19 jirro.

Weerarka oo sidoo kale lagu dhaawacay 7 kale, ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay u geystaan Isra’il, tan iyo markii ay milatariga Isra’il billaabeen duullaanka dhulka ah ee ay ka wadaan waqooyiga Lubnan.