Isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo su’aal la geliyay sii socoshadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo dhinaca saartay Masar iyo Eritrea ayaa dhawaan wuxuu shir saddex geesood ah ugu soo dhamaaday magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa shirkaasi ku gaaray go’aanka isbaheysi cusub oo yeesheen saddexda dal, iyada oo marka hore la dhisayo guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyadan.

Xulafaysiga Soomaaliya ee Masar iyo Eritrea ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la gaartay Somaliland, kaasi oo dhabaha u xaaraya damaca guracan ee Itoobiya ku dooneyso bad.

Isbaheysigan ayaa waxaa durba ka dhashay su’aallo, ayada oo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad uu sheegay in uusan wax badan sii jiri doonin xiriirka xulufaysiga ah ee ay Soomaaliya la yeelatay dalalkaan.

Cawad ayaa ku tilmaameysa isbaheysigan mid ay ku deg-degtay Soomaaliya, isagoo ku dooday in aysan xilligaan jirin wax sabab ah oo Soomaaliya ku kalifaya in ay isbahaysi weyn la yeelato Masar iyo Eritrea.

“Annagu waxaanu rabnaa inaan helno maamul dimuqraadi ah oo taladu dadku leeyahay, oo dadka xuquuqda loo ilaaliyo, oo deris wanaag adduunka kula dhaqanta. Masar iyo Eritrea waa dalal ay ka taliyaan hoggaamiyayaal kali talis ah oo dadkooda cunaha ku dhegan,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiriirka Soomaaliya ee Eritrea iyo Masar uu yahay mid aan tamarin doonin, islamarkaana uu ku xiran yahay xiriirka dalalkan iyo Itoobiya sida uu noqon doono, isagoo hoosta ka xariiqay in danaha Masar iyo Eritrea kala dhaxeeya Itoobiya ay ka xooggan yihiin danaha kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Madaxweynaha Soomaaliya waa inuu xoogga saaro midnimada gudaha dalka, halkii uu dalalka aan danaha weyn ku lahayn Soomaaliya uu xiriir la sameyn lahaa,” ayuu ugu dambeyntiina Amb. Cawad usoo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.