Daawo: Ku-simaha degmada Hodan oo is-muujin sameeyay kadib go’aankii gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha maamulka degmada Hodan, sidoo kalena ah guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaasi Axmed Saciid ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo is-muujin ah, kadib markii dhowaan shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiye Cali Fahle.

Axmed Saciid ayaa maanta olole nadaafadeed oo u muuqdo inuu isku muujinayo ka sameeyay isgoyska suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ku simaha oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay ilaalinta nadaafadda, si ilaaliyo waddooyinka la dhisay ee degmada Hodan.

“Waxaa la rabaa laamiga iyo waddooyinka la dhisay in ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan degmada inay iska nadiifiyaan hortooda, si loo ilaaliyo bilicda’ ayuu yiri ku simaha.

Sidoo kale Axmed Saciid ayaa digniin culus u diray dadka biyaha kusoo quba waddooyinka, wuxuuna sheegay inay ka qaadi doonaan tallaabo culus.

“Waxaan amar idin ku siineynaa in qofkii biyo kusoo daadiyo laamiga laga bilaabo maanta waxaa la ogeysiin doonaan in la ganaaxi doono” ayuu yiri Axmed Saciid Cumar.

Waa markii labaad uu qaadayo tallaabo uu isku muujinayo Axmed Saciid, wuxuuna sidoo kale habeen hore kormeer ku maray waddooyinka degmada Hodan ee gobolka Banadir.

Hodan ayaa wajaheysa xaalad cusub oo ka dhalatay shaqo ka joojinta guddoomiye Cali Fahle oo ay is qabteen guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir.