Daawo: Xasan Sheekh oo farriin adag u diray dadka faafiya dhaliisha dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta khudbad ka jeediyey goob uu ka dhagaxdhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka ayaa sheegay inay dembi tahay in dalka la sumcad dilo oo xumaan looga faafiyo baraha bulshada.

“Anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda ah ilaa qofka ugu hooseeya ma jirto qof xaq u leh in dalkaan uu sumcad xumeeyo oo ceebihiisa sheeg sheego,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha si cad ugu digay dadka baraha bulshada ka dhaliila dalka iyo dowladnimada, isagoo sheegay in taas aysan jirin qof u xil saaran ama loogu dul qaadanayo.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday sharaxaada dhibaatooyinka ka dhasha sumcad dilka dowladda iyo waxyaabaha ay ka dhaxashay dowladnimada Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay burburkii dalka.

“Ma jirto qof laga aqbalayo in dalkaan ay sumcad daradiisa banaanka keento oo shisheeyaha uga sheekeyso, banaankana keento, xitaa aniga oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah, waa dembi xun arrintaasi, halaga waantoobo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in qof kasta ay waajib ku tahay in dalkiisa uu jeclaado, kuna qanco waxa ay dowladiisu heysato’ “ilaali danta guud, taas ayaa waajib kugu ah.”

“Wax aan macno laheyn ayey dadkeenu maalin kasta u dhintaan, sida dagaalka qabaa’ilka, in qof walaalkaa ah aad disho dembi ka weyn ma jiro, waana aaqiro beel,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta hadalkaan ka jeediyey halka laga dhagaxdhigay Xeebta Luulka ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Xaafadaan oo loo dhameystirayo dhamaan adeegyada muhiimka ah waxaa waqooyiga magaalada Muqdisho ka hirgalinaya ganacsato Soomaaliyeed, waxayna noqon doontaa mid loo dalxiis tago.

Hoos ka daawo