Diyaaradaha dagaalka iyo ciidanka cirka Soomaaliya oo ku soo biiray dagaalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa si toos ah ugu biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, si ay doorkooda uga qaataan howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidanka Cirka kusoo badhigtay furimaha hore ee dagaalka, waxayna sheegtay inay ka qayb-qaataan halganka xoreynta ah ee haatan socda.

Ciidamadan ayaa wata qalab dhameystiran iyo diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca oo ka qayb qaadanaya howlgallada ka socda gobollada dalka.

Diyaaradahan ayaa waxaa leh dowladda Soomaaliya, waxayna soo iibsatay markii laga qaaday cunaqabateynta hubka oo ahayd guul wayn oo usoo hoyatay Soomaaliya.

Ujeedka ugu wayn ee ciidamada cirka iyo biiristooda dagaalka ayaa ah inay hawada ka taageeraan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Tani ayaa ka qayb-qaadaneyso in hormar laga gaaray howlgallada ka socda dalka, waxaana tallaabo kale oo loo qaaday dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo qalabeyntooda.

Soomaaliya waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.