Cali Guudlaawe oo tallaabo culus qaaday, kadibna isbeddal ku sameeyay…

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus, isaga oo isbeddal ku sameeyay xafiiska Hanti-dhowrka guud ee maamulkaasi.

Cali Guudlaawe oo wareegto soo saaray ayaa xilkii ka qaaday Cabdullaahi Cabdi Bariise oo ahaa Hanti-dhowrka guud HirShabelle, wuxuuna ku beddalay Axmed Sheekh Nuur Iidle.

Hantidhowraha cusub ayaa la faray inuu dardar-geliyo howlaha shaqo ee loo igmaday, waxaana laga codsaday hay’adaha kale ee HirShabelle in ay la shaqeeyaan.

Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle ayaa maalmihii u dambeeyay waday isbedalo waa wayn, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis mas’uuliyiin dhowr ah.

Digreetada ayaa u qoreyd sidatan:-

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday Cabdullaahi Cabdi Bariise oo ahaa Hanti-dhowrka Guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa marka uu arkay qoddobka 60-aad farqadiisa 1-aad xarafka (b) ee dastuurka Hirshabeelle iyo sida ay muhiim u tahay in isbeddel lagu sameeyo Hanti-dhowrka Guud ee Hirshabeelle waxa uu Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud u magacaabay Mudane Axmed Sheekh Nuur Iidle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhowrka Guud dardargelinta iyo qaabeynta shaqadda loo idmaday.