Kulmiye iyo Waddani oo la ganaaxay maanta + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ganaaxay xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, kuwaasi oo haatan si weyn ugu loolamaya doorasooyinka Somaliland.

Guddiga anshaxa iyo kormeerka doorashooyinka Somaliland ayaa labada xisbi ku xukumay ganaax lacageed, kadib markii uu sheegay inay jabiyeen xeerka anshaxa iyo hab-dhaqanka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland.

Labada xisbi ayaa waxaa midkiiba la dul dhigay ganaax lacageed dhan 10 milyan oo lacagta Somaliland ah, iyada oo guddiga uu ku hanjabay in hadii labada xisbi ay u hogaansami waayan xeerarka doorashooyiinka iyo xilliyada loo asteeyay ololaha in laga joojin doono maalmaha ay xaqa u leeyihiin.

“Waxaanu ku ganaaxnay labada xisbi ee kala ah Waddani iyo Kulmiye min 10 milyan oo shilinka Somaliland ah, sidoo kale waxaan ka joojinya socdaalada ollolaha u eg ee ay ku jiraan labada xisbi,” ayuu yiri Aadan Xuseen Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga anshaxa.

Waxa uu intaas kusii daray ““Cidii aan u hoggaansamin awaamiirtan waxa ay weyn doontaa mid kamid ah maalmeheeda olole ee ay xaqa u leedahay.”

Guddiga ayaa sidoo kale waxay maanta soo saareen go’aamo adag oo lagu mamnuucay ololaha iyo isu-soo-baxyada xisbiyada/ururrada ee ka horeeya maalinta loo cayimay in uu bilaabmo Ololaha rasmiga ah oo ku beegan Sabtida 19 October 2024.

Sidoo kale waxa uu guddiga mamnuucay in ololaha doorashada loo adeegsado gaadiidka dowladda, iyada oo looga digay shaqaalaha iyo laamaha amniga inay ku lug yeeshaan ololaha doorashada.