Masar iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis cusub oo…

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladaha Jabuuti iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis iyo qandaraas heerkiisu sarreeyo oo ku saabsan dhismaha xarun quwadda cadceedda ah laga dhaliyo, taas oo cabirkeedu yahay 276.5 kilowat, lagana dhisayo dalka Jabuuti.

Heshiiskaan ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday iskaashiga u dhaxeeya labada dal, waana Mashruuc ay hirgelineyso, isla markaana maalgelineyso dowladda Masar.

Waxaa la doonayaa in xaruntaan quwadda laga sameeyo gudaha magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, heshiiskaan ayaa ka tarjumaya sida ay labada dal xoogga u saarayaan in xal loo helo tamarta la cusbooneysiin karo, loogana faa’iideysan karo khibradda ay Masar u leedahay horumarinta mashruucaan.

Wasiirka Korontada iyo Tamarta ayaa heshiiskaan u saxiixay dowladda Masar, halka Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti, Yoonis Cali Guuleed uu saxiixay dhanka dowladda Jabuuti.

Wasiirka Korontada iyo Tamarta Masar ayaa sheegay in dowladiisa ay go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Jabuuti, iyadoo la wadaagi doonta Jabuuti khibraddeeda tamarta la cusbooneysiin karo iyo barnamaijyo tababarro ah oo daboolaya baahiyaha Jabuuti.

Dhankiisa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti ayaa sheegay in heshiiskaan uu muujinayo xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo xusay in xaruntaan quwadda cadceedda ay saameyn togan ku yeelan doonto kaabayaasha waxbarashada iyo caafimaadka iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka.

Wuxuu wasiirku dowladda Masar, gaar ahaana wasaaradda korontada iyo tamarta la cusbooneysiin karo uga mahad celiyay taageeradooda.

Heshiiskan ayaa imaanaya kadib barnaamij tababar oo guuleystay oo la siiyay shaqaalaha wasaaradda tamarta Jabuuti, kaas oo ay maalgelisay dowladda Masar.

Mashruucan ayaa xoojinaya sida ay dowladda Masar uga go’an tahay taageeridda horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo ee Afrika iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.