Gaari siday qaraxyo oo la burburiyay, kadib markii la helay…

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad qaybta 60-aad ay ka hortageen weerar culus oo ay damacsanaayeen in Al-Shabaab ku qaadaan degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Weerarka oo xogtiisa la helay ayaa waxaa ka hortegay ciidamada dowladda, waxaana la burburiyay gaari ay Al-Shabaab qaraxyo kasoo buuxiyeen oo ay doonayeen inay ku weerareen magaalada gudaheeda.

Sidoo kale waxaa laga hortegay maleeshiyaadkii qorsheynayay weerarka oo khasaare culus lagu gaarsiiyay howlgalka ka hortegga ah ee ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogg dalka ayaa lagu faah-faahiyay weerarkan iyo sida loo fashiliyay weerarkan oo ka dhacay deegaanka Lukugooraw oo u dhow Xudur.

“Ciidanka oo helay xogta cadawga argagexisada ah ayaa deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20km u jira degmada Xudur ku bur buriyay maleeshiyadkii damacsanaa ineey weerarka fulaynimada ah shacabka magaalada u soo maleegaan iyo gaari qaraxa oo ay wateen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in khasaare baaxad leh ay gaarsiiyeen maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee kusoo socday degmada Xudur, loona diyaariyay weerarka la fashiliyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo howlgall amni xaqiijin ah ka wada halkaasi.

Gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab ayaa badanaa ka dhaca weeraro ay soo qaadaan maleeshiyaadka kooxda oo beegsada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolladaasi.