QM oo wafdi sare usoo dirtay Muqdisho kadib fashilka shirka golaha wadatashiga + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kaasi oo ay hoggaamineyso Marwo Rosemary A. DiCarlo oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda iyo dhismaha nabadda.

Marwo Rosemary A. DiCarlo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, iyo ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan, ayaa soo dhaweeyay.

Wasiir Fiqi oo kulan gaar ah la yeeshay Marwo DiCarlo ayaa wuxuu uga warbixiyay horumarka dhawaan laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga.

Wada-hadallada ayaa waxay xooga saareen dib u bilaabista shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo lagu wado in markale uu furmo 26-ka bishaan October.

Sidoo kale waxay ka wada-hadleen geeddi-socodka kala guurka Soomaaliya ee ku wajahan hawlgalka ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika (AUSSOM), iyadoo wasiirka uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tixgeliyaan soo jeedimaha Soomaaliya.

Marwo DiCarlo ayaa dhankeeda ballan-qaaday in taageero buuxda loo fidin doono kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo wasiir Fiqi uu soo dhaweeyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in kooxdaasi ay shaqada ka wadi doonaan New York iyo sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda.

Si kastaba, socdaalka wafdigan ayaa imanaya maalin kadib markii uu xafiiska ra’iisul wasaaraha uu shaaciyay in shirka golaha wadatashiga qaran dib la isugu soo laaban doono daba-yaaqadda bishaan, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.