Xamza oo shaaciyay arrin qeyb weyn ka qaadatay yareynta musuqa dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunka u wareegay adeegsiga teknoolojiyada, sidaa awgeed waxa ka go’an xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in dowladda dhiiri-galinayso ganacsiyadda gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey shirkada isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha bandhigga teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in hadda dowladda ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada.

Teknoolojiyadda ayaa sanadihii dambe si weyn uga hanaqaaday Soomaaliya, ayada oo ay ku tiirsan yihiin adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha, waxaana sare u kacaya hal abuurka teknoolojiyadeed ee dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa inta badan adeegyada ay bixiso iyo dakhli qabashada haatan u bedeshay nidaamyo casri ah, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha la-dagaalanka musuq-maasuqa, oo si weyn u curyaamiyay Soomaaliya.