Soomaaliya: Qaranka aan loo shaqeyn ee laga shaqeysto – Maxaa socda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waxay sanad walba mushaar ahaan u qaatan lacag ku dhow 20 milyan oo dollar.

Qarankan la kabo ee Soomaaliya ayaa mushaarka xildhibaannadiisa gaarsiiyay min 5,000 dollar bishii. 329 mudane oo labada aqal ah ayaa saddex meelood meel kamid ah aanay shaqeynin marka loo qeybiyo tirada maqnaashahooda sida ay sheegayaan howl-wadeenada baarlamaanka.

Taas oo ka dhigan in 109 mudan aanay wax shaqo ah dalka u qaban sanad kasta, haddana ay mushaar joogto ah qaatan. Dhawaan waxaa banaanka usoo baxday doodda kursiga aqalka sare ee uu ku fadhiyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Jaamac, kaas oo la sheegay in uusan xaadirin fadhiyada golaha muddo labo sano iyo lix bilood ah.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 30-kaas bilood waa qaadanayay mushaarka aqalka sare, isaga oo la sheegay in uusan shaqada xaadirin. Dagaal culus iyo buuq siyaasadeed ayuu kiciyay Saalax, kaas oo gaaray illaa madaxweynaha kadib markii loo sheegay inuu kursiya lumiyay, lana siiyay qof kale oo ku shaqeeya.

Xiisadda ayaa markii dambe ku dhamaatay in Cabdi Xaashi lagu qanciyo inuu iska dhaafo isbedelka kursigaas. Dad badan ayaa la yaabay inuu ra’iisul wasaare ku-xigeenkii dalka u dagaalamayo xuquuq uusan shaqeysan, xilli laga sugaayay inuu isagu dabaqo dhaqan dowladeed oo wanaagsan.

Hadda xafiiska ra’iisul wasaaraha kuma canaanan karo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda soo xaadirada shaqada ama xuquuqda ayaa la idinka jari doona, sababta oo ah ra’iisul wasaare ku-xigeenkii ayaa diiday inuu xuquuqdiisa lacageed ku waayo maqnaasho.

Si lamid ah labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya muddo xileedkan iyo midkii ka horreeyay waxaa jiray xubno aan sanad tegi jirin golaha iskana qaadan jiray lacagta.

Soomaaliya waxaa la kabaa 40 illaa 50% guud ahaan kharashaadka ku baxa dowladnimada, haddana lacagtaas waxaa qaata dad aan wax shaqo ah u hayn dowladnimada.

Ka sakow inay tahay musuq, ceeb iyo mid aan diiniyan fiicneyn in aadan gudanin waajibkii lagugu siiyay mushaarka, haddana tani waxay sii dheereynaysa rejada laga qabo inay dowladnimada Soomaaliya waqti dhow cagaheeda isku taagto, sababta oo ah qaran aan laga shaqeyn oo mushaar un laga qaato ma buuxin karo shuruudaha isku filnaansho dowladeed.

Madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha ayaa dhowr jeer ku baaqay isla xisaabtan, laakiin ma shaqeyn karo isla xisaabtanka haddii uusan dadka oo dhan wada gaarin oo ay ku jiraan xubnaha labada aqal, wasiirada, madaxda hay’addaha dowladda iyo guud ahaan xafiisyada sare ee dalka.

In shaqaale hoosaadka oo keliya la xisaabiyo ma ahan xalka qarankan. Iyada oo mushaaraadku ay yihiin kuwo badan marka loo eego dhaqaale xumada ka jirta Soomaaliya, haddana in aanay shaqo qabanin dadkii lacagtaas qaadanayay waa xaqiijinta in aanay cidna ku mashquulsaneyn hagaajinta dowladnimada Soomaaliya.