Ciidanka DF iyo kuwa Macawiisleyda oo xalay xeelad cajiib ah ku jabiyay Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo xalay ka dhacay deegaan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaq ay Al-Shabaab ka wadeen deegaanka Dhagaxley ayaa waddada u galay, waxayna kadib la beegsadeen weerar gaadmo ah oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha usii galeen deegaankaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo qorsheynayay inay soo weerarto ciidanka huwanta.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in jab xoogan ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna kasoo furteen hub iyo saanad ciidan.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha gaaray kooxda Al-Shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli habeen ah oo aan xog badan laga helin karin dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda.

Gobollada Dhexe ee dalka ayaa waxaa indhawaanahan ka socday howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo xoreeyay magaalooyin ka tirsan Galmudug.