Wararkii ugu dambeeyay QARAX xalay ka dhacay Kismaayo + Khasaaraha

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa inoo sheegay in bam-gacmeedka lagu weeraray maqaaxi ku taalla isgoyska Golol ee Kismaayo, halkaas oo ay ku caweynayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhaawacmay illaa 6 qof oo shacab ah, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada oo haatan lagula tacaalayo xaaladdooda.

Sidoo kale waxaa goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeya weerarka lagu beegsaday maqaaxida oo la qarxiyay xilli ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa sidoo kale goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen weerarkaasi bam-gacmeed.

Xaaladda Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, waxaana howlgallada lagu sugayo amniga xoojiyay ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

Jubbaland oo deggan magaaladan ayaa inta badan howlgallo ka sameyay halkaasi, waxayna sidoo kale kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa indhowanahaan howlgallo jab culus lagu gaasiiyay kooxda ka waday deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.