Ciidamada KENYA oo wareejiyay saldhig ku yaalla JUBBALAND

Kismaay (Caasimada Online)  – Taliska howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa saldhigga deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose maanta ku wareejiyay ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda, kadib munaasabad ka dhacday halkaasi.

Saldhigga ay la wareegeen ciidamada Jubbaland ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2015-kii ku sugnaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee gudaha Soomaaliya.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka ATMIS oo lagu magacaabo Col. Ibraahim oo madasha ka hadlay ayaa boggaadin u jeediyay ciidanka Kenya, oo uu tilmaamay inay adoor muhiim ah ka qaateen difaaca magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaand,

Col. Ibraahim ayaa sidoo kale  kula dar daarmay ciidamada Soomaaliya ee la wareegay saldhiiga Kudhaa in ay feejignaadaan oo ay sii wadaan guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay xil wareejinta inay muujineyso sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalkeeda.

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.

Si kastaba, tallaabadan ayaa qeyb ka ah hannaanka lagu wado in lagu soo gabagabeeyo in si buuxda mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya marka la gaaro Disembar 2024, xilligaas oo ay Soomaaliya ka bixi doonaan ciidamada howlgalka ATMIS.