Diyaarad ay qaraxyo ka buuxaan oo weerartay guriga Netanyahu

Tel Aviv (Caasimada Online) – Diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn oo qaraxyo ay ka buuxaan ayaa waxaa lala beegsaday guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku yaalla Caesarea, wuqooyiga Israa’iil, sida uu sheegay afhayeenkiisu.

Netanyahu kuma uusan sugnayn dhismaha, wax qasaare ahna kama dhalan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka dalka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay haysato Israa’iil.

Milatariga Israa’iil ayaa goor sii horeysay sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn loo soo ganay dhanka magaalo xeebeedaan subaxnimadii hore ee Sabtida.

Mid ka mid ah diyaaradahaas ayaa ku dhacday dhisme, halka labada kalena la qabtay, sida ay sheegeen milatarigu.

Dhinaca kale, kooxda Xisbullah ayaa sheegtay inay fuliyeen weerar kale oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen qaar kamid ah ciidanka Israa’iil ee fariisinta ka dhigtay saldhigga Ein Shemer, oo ku yaala bariga magaalada Hadera.

Weerarka ayay sheegeen inay fuliyeen fiidnimadii jimcihii shalay ahaa, iyagoona sheegtay inay saldhigga ku weerareen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa ay intaa hadalka ku dareen in ay weerarkaan uga jawaabayeen gantaallo iyo duqeymo ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan.

Xisbullah ayaa sidoo kale howlgalkaan ku tilmaamtay inuu kamid yahay kuwa is daba joogga ah ee ay ku weerarayaan Israa’iil, waxa ayna sheegeen inuu qeyb ka yahay “howlgalka Khaybar” kaas oo ka dhan ah xasuuqa ay Israa’iil ka waddo gudaha Lubnaan sida ay sheegeen.

Horay Xisbullah ayaa u fulisay howlgallo noocaan oo kale ah oo loo adeegsaday gantaallo gaar ah waxayna sheegeen in ay la beegsadeen Al-Karyut oo ku taalla waqooyiga magaalada Haifa.