Muxuu yahay dhawaaqa jugta culus ee goordhow laga maqlay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa goordhoweyd si weyn looga maqlay dhawaaqa jug culus.

Dhawaaqan oo markii hore loo maleeyay inuu yahay qaraxyo isxig-xiga marka loo fiiriyo xajmigiisa ayaa waxay Caasimada Online ogaatay in uusan aheyn qarax.

Dhawaaq jugta culus ee laga maqlay Muqdisho ayaa aheyd tijaabo hub culus oo ay sameyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ee NISA, sida ay Caasimada Online u sheegen laamaha amniga.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa mararka qaar sidan oo kale u sameeya dab rid, iyadoo aan kusii wargelin shacabka, taas oo abuurta qalqal hor leh oo dhanka ammaanka.

Inkasta oo mararka qaar uu booliska kusii wargaliyo shacabka marka ciidanka sameynayaan dab rid, hase yeeshe waxaa ka badan inta laga warhelo un dhawaaqa jugta culus iyo daryanka hubka markaasi ciidanka ridayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa la daala dhaceysa culeyso amni, ayada oo shacabkeedu yihiin baqdi ku nool, inkasta oo bilihii dambe uu soo reysanayay ammaanka, haddana kooxda Al-Shabaab ayaa weli qaraxyo iyo falal amni darro ka fulisa caasimada.