Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa safar ku tegay Jabuuti iyo qorshe culus oo socda

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kampala Uganda iyo Bujumbura Burundi ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynayaasha dalalkaas, waxaana kulamadii dhacay looga hadlay howlgalka ka socda Soomaaliya, gaar ahaan jiheynta ciidamada bedelaya ATMIS.

Labada dalba waxay Soomaaliya ka codsadeen inay u ogolaato inay ciidamadoodu ka sii howlgalaan Soomaaliya, maadaama dhamaadka sanadkaan la bedelayo howlgalka ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta xulashada dalalka ay ciidamadu ka sii joogayaan dalka, waxaana qorshaha ku jirta in dhamaadka sanadkaan ay gabi ahaanba dalka ka baxaan ciidamada Itoobiya, maadaama labada dalka ay qarka u saaran yihiin inay dagaalamaan.