Sawirro: NISA oo soo bandhigtay raggii Shabaab u qaabilsanaa beegsiga shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay seddax nin oo halis ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ragaan ayaa ku howlanaa falal ka soo horjeeda amniga caasimadda Muqdisho, waxaana xogtooda iyo sawirradooda loo soo bandhigay warbaahinta.

Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA oo hayay xogta ragaan ayaa ku gulaystay in ay soo qabtaan Hubkii ay wateen, labo Mooto Bajaaj iyo Hal mooto Fekon ah oo ay u isticmaali jireen in ay ku baxsadaan marka ay fal amni darro geystaan.

Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in 3-daan nin ay ahaayeen Shabakad isku xiran oo Khawaarij ah.

Sidoo kale, qoraalka NISA waxaa lagu xusay in qaarkood horay loo qabtay, iyadoo lagu tuhmayo falalka lagu soo qabtay hadda, waxayna xiligaas ka shaqeynayeen qalqal-gelinta shacabka caasimadda, sida ay shaacisay NISA.

Waxaa jira xubno ka tirsan shabakadaan lasoo qabtay oo weli baxsad ah, kuwaas oo ciidamada ammaanka ay ku raad-joogaan sidii loo qaban lahaa, sida lagu cadeeyey qoraalka NISA.

“Ciidamada ammaanka waxay u taagan yihiin xaqiijinta amniga iyo badqabka shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gacanta ka baxay amniga caasimadda Muqdisho, waxayna Shabaab dileen ganacsatadii ugu badneyd, iyadoo cabsi badan ay soo wajahday shacabka.

Dadka shacabka ah waxaa dilaya Shabaab oo diidan in guryaha iyo goobaha gacansiga lagu xiro kaamirooyinka wax duuba, halka dowladda Soomaaliya ay dadka ku amreyso inay kaamirooyinka xirtaan.

Hoos ka eeg qoraalka iyo sawirrada ay soo bandhigtay NISA