Daawo: DF oo soo bandhigtay muuqaal duubihii warbaahinta Al-Shabaab ee Al-kataa’ib

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal duubihii Warbaahinta Al-Shabaab ee Al-kataa’ib ayaa u soo gacan galay dowladda Soomaaliya, waxaana maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada Soomaaliya, isagoo qiranaya dembiyo waaweyn, waxaana xusid mudan in ninkii ku tashkiiliyey inuu ku biiro Al-Shabaab u uku jiro Xabsiga Dhexe, isagoo ku xukuman xabsi dheer.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa toos u wareystay ninkaan oo sheegay in shaqada ugu badan ee Shabaab uu u qaba jiray ay aheyd duubista dagaallada tooska ah iyo dilalka ay geysa jireen Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa qirtay in Shabaab ay soo bareen sida wax loo duubo, qaraxyada, dagaalka tooska ah, diyaarinta miinooyinka iyo soo iibinta gaadiid u badan oo mootooyin FEKON ah oo Shabaab ay isticmaali jireen.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa soo bandhigtay cadeymaha eedeymaha culus ee ninkaan uu qiranayo, waxaana markii la qabanayey ka fashilmay qarax u uku diyaariyey maqaayad ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee koonfurta Muqdisho.

“Markii aan gacanta ku dhignay wuxuu ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab ee dilalka fuliya,” ayuu yiri Dacwad ooge ka tirsan xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale waxaa maxkamadda hor yimid sarkaal ka tirsan NISA oo ka sheekeeyey sida loo qabtay ninkaan oo isla goobtii ku qirtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa sahan.

“Subax aniga oo kormeeraya kaamirooyinka degmada Garasbaaley ayaan arkay ninkaan oo luuq kasoo baxay, waxaa istaajiyey ciidankii ila socday, kadibna waxaan weydiiyey dhowr su’aalood, balse waxaan ka dareemay qalqal, markii aan u sheegay inaan xabsiga u gudbinayo si loo baaro ayuu ii sheegay inaan iska daayo, isagoo qiranaya inuu Shabaab yahay,” ayuu yiri Salkaalka ka tirsan NISA ee hor tegay maxkamadda.

Hoos ka daawo garmaqalka kiiskaan.