Magacyada 10-ka wasiir ee ku soo biirtay xukuumadda Xamza iyo is bedelka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) –Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxaa maanta ku soo biiray xubno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada, kuwaas oo gaaraya 10 xubnood oo wasiiru dowlayaal u badan.

Wasiirrada cusub waxaa kamid ah ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo dalku yeeshay, waxayna kala yihiin:

1- Cabdisalaan Cabdi Cali, ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, Cabdisalaan Dhaay ayaa horay u ahaa wasiirka Holwlaha guud iyo huriyeynta.

2- Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta, ninkaan ayaa horay isla xukuumadaan uga soo noqday wasiirka maaliyadda, balse waxaa mar sii horeysay xilkaas looga qaaday khilaaf ka dhacay gudaha wasaaradda.

3- Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada.

4- Maxamuud Axmad Aadan, Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda, xilkaan waxaa horay u haayey Cabdullahi Ilkajiir.

5- Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar, Wasiiru dowladaha wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka.

6- Ismaaciil Shire Jaamac, Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, booskaan ayaa muddo dheer banaanaa.

7- Maxamed Cismaan Cumar, Wasiiru dowladaha wasaaradda qoyska iyo hormarinta xuquuqul Insaanka.

8- Caynaashe Yussuf Xusseen, Wasiiru dowlaha wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada.

9- Maxamed Yuusuf Xassan, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga.

10- Maxamed Nuur Abuubakar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayada oo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo.

Saalax ayaa maalmo kahor wajahay dagaal siyaasadeed lagu dhaafin rabay kursigiisa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay markii dambe soo fara-gelisay Madaxtooyada, oo ayadu guddoomiye Cabdi Xaashi ku qancisay inuu Saalax u dhaafo kursigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed, wuxuuna ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee galabta la magacaabay kasoo jeeda K/Galbeed.