XAMZA oo qaaday tallaabo cajiib ah oo uu ku daminayo mooshinka ka dhanka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u muuqda inuu qaaday tallaabo uu ku daminayo guuxa mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah oo maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho.

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay illaa 70 xildhibaan, oo badankood u badan kuwa dhaliilsan maamulka Xasan Sheekh iyo Xamza.

Si kastaba, mooshinkan ayaan haysan weli taageerada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli aysan u muuqan sabab uu ku cayriyo ra’iisul wasaare Xamza, iyada oo khilaafka siyaasadeed ee dalku sii xoogeystey laguna kala tegay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Soomaaliya waa ay adag tahay in uu guuleysto mooshin xil ka-qaadis ra’iisul wasaare haddii aanu gadaal ka riixeyn madaxweynaha.

Sida wararku sheegayaan, mooshinkan waxa uu taageero ka haystaa mid ka mid ah shir guddoonka Golaha Shacabka, inkasta oo guddoomiye Aadan Madoobe uusan raali ka ahayn.

Si kastaba, ra’iisul wasaare Xamza ayaa billaabey in, si uu isaga yareeyo buuqa mooshinka soo xoogeysanaya, uu buuxiyo qaybo ka dhiman golihiisa wasiirada, soo xerooyo xildhibaano ku kacsan oo mucaarad ah, sidoo kale waxa uu isku beddalay qaar kamid ah golaha wasiirada.

Xamza ayaa shalay magacaabay 10 xil wasiir, ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal, halka uu xubnaha qaar u kala bedelaya xilalka. Wuxuu sidoo kale magacaabay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad oo dalka aanu horey u lahayn.

Isku-shaandheynta ayaa saameysay Wasaaradda kaluumeysiga, Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda, Wasaaaradda batroolka, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, sidoo kale waxaa lagu wadaa in la magacaabo Raysalwasaare ku-xigeen.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ku jiray qaar ka mid ah xildhibaano hormuud u ahaa mooshinka.

Xamza ayaa sidoo kale xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ku qanciyey xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo aad ugu kacsanaa ra’iisul wasaaraha.