Xogta kulankii Nairobi ee Xasan iyo Ruto oo qodobo xasaasi ah ka wadahadlay

Nairobi (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Kenya ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalkaas.

Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, waxayna Xasan Sheekh iyo William Ruto ku gorfeeyeen xaaladaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada madaxweyne ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan gardarrada Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweyne William Ruto kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanaya Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo sida Kenya ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa inay soo saaraan heshiis iskaashi oo lagu wajahayo argagixisada iyo xiisadda gobolka, si lamid ah dalalka kale ee gobolka, markii laga reebo Itoobiya oo daandaansi aan loo meel-dayin ku heysa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.