Xog: Xildhibaannada kasoo jeeda SSC oo diiday wadatashiga Puntland ugu yeertay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildibaannada kasoo jeeda deegaanada SSC-Khaatuma ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday inay ka qayb-galaan kulanka wada-tashiga ee ay Puntland ugu yeertay xildhibaanadda laga soo doortay deegaanada maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xildhibaannada ku abtirsada maamulka KMG ah ee SSC-Khaatuma ayaa ka cudur daartay inay ka qayb-galaan wadatashiga ay ugu yeertay Puntland, maadaama ay haatan iyagu leeyihiin maamul gaar ah iyo deegaan ay metalaan.

Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in xildhibaannada SSC ay soo saaray warsaxaafadeed ay ku caddeynataan go’aankooda oo ay ku ixtiramayaan jiritaanka maamulka Khaatuma oo horay u shaaciyay inuu ka madax bannaan yahay Puntland iyo Somaliland.

Mid kamid ah xildhibaannada kasoo jeedda SSC-Khaatuma oo lagu magacaabo C/raxmaan Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa si cad u sheegay in aanu ka qayb-geli doonin shirka wada-tashiga ee ka dhacaya Garoowe ee looga hadlay xiisadda Puntland iyo dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in uu go’aanka SSC ku shaacisay inay tahay maamul gooni ah.

“Salaan qiime badan kadib waxaan halkan ugu cadaynayaa Shacabka SSC KHAATUMO in anigoo tixgelinaya go’aanka Shacabka SSC KHAATUMO ku gaadheen 06/02/2023 in ay noqdaan maamul madaxbanaan oo si toos ah u hoos taga dowwladda federaalka Soomaaliya. Kaas oo aan isla maalintaasba aqbalay aanan ka hor imanayn. Sababtaas darteedna aanan uga qayb gelayn shirka maamulka Puntland ku dalbaday in Garoowe lagu qabto. Sidoo kale waxaan qoraalkan ku cadaynayaa in aan shacabka SSC KHAATUMO ku metelo Baarlamaanka Soomaaliya, danahoodana ka shaqayn doono” ayuu xildhibaanku.

Shirka Garoowe ee loogu yeeray xildhibaannada Puntland ku metala labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inuu qabsoomo wixii ka dambeeya Sabtida soo socota, markaas oo la furi doono kalfadhiga 55-aad ee golaha wakiilada maamulkaasi.

Wadatashigan oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda guud ee dalka iyo khilaafka kasii daraya ee Puntland iyo dowladda dhexe.