Soomaaliya iyo Kenya oo 4 qodob ku heshiiyay

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis cusub oo ku aadan amniga ku gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi, kadib markii kulan miro dhal ah ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa William Ruto.

Labada madaxweyne ayaa ka wad-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxweyne William Ruto kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanaya Soomaaliya.

Kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay 4 qodob oo kala ah:-

1. Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025.

2. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada.

3. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA.

4. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026.

Ugu dambegun Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u booqday dalalka Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo iyaguna ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay bixista ATMIS iyo sidoo kale qorsha dowladda Soomaaliya ee ku aadan howlgalka cusub ee AUSSOM.