Maxaa ka jira inay shil gashay mid kamid ah diyaaradaha DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in ay shil gashay mid kamid ah diyaaradaha ay dhowaan soo iibtsatay dowladda Soomaaliya, ayna soo dhacday.

Qoraalka kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in aanu jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka, isla markaana wararka la baahiyay ay yihiin kuwa been abuur ah.

“Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka hay’adda duulista.

Sidoo kale hay’adda ayaa shacabka ku wargelisay inay shaqeynayaan diyaaradaha cusub ee ay soo iibsatay dowladda federaalka, ayna ku jiraan howl maalmeedkooda.

“Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradihii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labdii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafaeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo iibsatay hub carsi ah iyo diyaarado nooca qumaatiga u kaca, kuwaas oo ay leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya.

Diyaaradaha iyo hubka ay soo iibsatay dowladda ayaa isla markiiba la geeyay furimaha hore ee dagaalka, maadaama dalka uu ka socdo howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.