XASAN Sheekh oo iska tiray mid kamid ah eeddihii abaal-dhaca siyaasadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Cilmi Nuur ayaa toddobaadkan dib ugu soo laabtay golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Ninkan oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD waa mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaana waa reer Boorama.

Intii mucaaradka la’ahaa wuxuu waqtigiisa u huray Xasan Sheekh iyo xisbigiisa. Markii ay doorashada ku guuleysteen waxaa laga dhigay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, laakiin 11 bilood kadib waxaa shaqada looga eryay si foolxun oo aan la fileyn inuu Xasan Sheekh ula dhaqmayo qof kooxdiisa, weliba qof sida Dr. Cilmi oo kale ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa awooddii reer Waqooyiga u gacan geliyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salaax Jaamac iyo Biixi Iiman Cige oo hadda ah wasiirka maaliyadda, kuwaas oo Xasan Sheekh codad kula heshiiyay dhowr habeen kahor doorashadii madaxweynaha ee 15-kii May.

Dr. Cilmi waxaa loo arkaayay qofka ugu muhiimsan reer Waqooyiga la jooga Xasan Sheekh, laakiin dharbaaxadii ku dhacday bishii July 2023 ayaa si weyn u dhaawacday.

Dhinaca Cilmi, midda dad badan ka yaabisay waa in uusan mucaarad noqon, si dhowna ula sii shaqeeyay madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayey dad badan ku dhalleeceyeen inuu ku abaal dhacay Dr. Cilmi oo muddo xileedkiisi hore ku kharash gareeyay inuu Xasan Sheekh wax ka dhisto.

Intii uu ka maqnaa xukuumadda waxa uu ninkaan soo bandhigay dhaqan siyaasadeed ugub ah, isagoo sii difaacayay dowladda, taageerana u muujinayay madaxweynaha iyo nidaamkiisa, taas oo Xasan Sheekh ku qasabtay inuu is-ceebsado kadibna amro in Dr. Cilmi lagu soo celiyo golaha wasiirada.

Ninkaan ayaa shalay loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ee dowladda federaalka ah, waxaana sidaas ku baxay oo kursiga xisaab beeleed ahaan ku waayay wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada.

In Dr. Cilmi dib loogu soo celiyo golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah waxay dad badan u arkaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib u saxay qaladkiisi iyo “inuu iska tiray eedii abaal-dhac siyaasadeedka.”

Inkasta oo wasaaraddii laga eryay Dr. Cilmi iyo midda hadda la siiyay uu farqi weyn u dhaxeeyo marka laga hadlayo awoodaha iyo mudnaanta gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, haddana in si guud lasoo celiyo ayaa Dr. Cilmi dib uga caawin doonta inuu hagaajiyo bandhigiisa siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh inkasta oo dhaliilo badan leeyahay, haddana nin kooxnimada ku xun laguma sheego. Mararka qaar waa dhacdaa inay qoysnimada kala xoog badiso siyaasada iyo saaxiibtinimada, haddana nin baraarug fiican leh ayaa loo arkaa.