Sawirro: Weerar ka socda xarunta diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

Ankara (Caasimada Online) – Rasaas iyo qaraxyo ayaa ka bilowday banaanka xarunta Warshadaha Diyaaradaha (TAI) ee dowladda Turkiga.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa ku tilmaamay tan inay tahay “weerar argagixiso.”

Afar qof ayaa la dilay, waxaana ku dhaawacmay 14 oo kale, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda Turkiga.

Hadaba waa maxay Warshadaha Diyaaradaha (TAI) ee Turkiga?

TAI waa shirkad dawladeed oo ku takhasustay hubka iyo tiknoolajiyada hawada ee dowladda Turkiga.

Warshadaan waxay ku taallaa Kahramankazan oo qiyaastii 28 KM waqooyi galbeed ka xigta magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.